Tartanka oo ay ka qeyb galayeen Wadamaada Soonka Shanaad ee Bariga Afrika oo kala ah Soomaliya, Djabouti,Ethiopia iyo Sudan ayaa bilowday 23 Bishan August, waxaana lasoo gebagabeeyay 26 bishan.
Wiilasha Soomaaliya ayaa afar kulan ka ciyaaray tartanka, Kulanka koowad waxaa ka adkaatay Djibouti oo tartanka marti-gelineysay , Kulanka labaad waxay guul ka gaareen Sudan, halka kulanka Seddexad ay guuldaro kala kulmeen Ethiopia.
Wiilasha Soomaaliya ayaa mar kale guul ka gaaray Sudan kulanka loogu tartamayay Billadda Marta ee tartanka, waxayna sidaa ku xaqiijiyeen kaalinta seddexaad iyo Billaada maarta, halka kaalinta koowaad ay heshay Ethiopia Biladda Dahabka , Qalinka ay ku guuleysteen Wiilasha Djibouti.
Kubadda Gacanta Soomaaliya
Dhanka Xulka Gabdhaha waxay guul ka heleen Sudan laba jeer, halka ay guuladaro kala kulmeen Djibouti iyo Ethiopia, waxaana tartanka dhanka Gabdhaha kaalinta koowad galay Ethiopia, labaad Djibouti ,Seddexaad Soomaaliya, kaalinta afaraadna ay xaadireen Gabdhaha Sudan.
Dhanka kale Guddiga Tartanka ayaa Soomaaliya ku ammaanay ciyaar wanaagan, asluub wanaaga iyo xagga garsoorka oo ay Billado kasoo hoyeen kadib bandhigii wanaagsaa, waxayna guddiga Tartanka sidoo kale ku amaaneen qaabkii ay tartanka ugu soo diyaargaroobeen iyo horumarka Kubadda gacanta Soomaaliya sameyneyso, waxa aynan sidoo kale noqdeen xulkii ugu labiska wacanaa, waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay abaalmarinno gaar ah.
Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow ayaa mahad celin balaaran u soo jeediyay Safaarada Soomaaliya ee Djibouti oo garab taagneyd inta uu tartanka socday Xiriirka kubadda gacanta Djibouti iyo Dowladda Djibouti oo soo dhoweyn iyo walaaltinimo u muujiyay inta uu tartanka socday.
Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka kale u mahad celinyay macalimiinta,ciyaartoyda Xulka qaranka iyo garsoorka kubadda Gacanta Soomaaliya, bandhigii wacnaa ee ay tartanka kasoo muujiyeen iyo asluubkii wanaagsanaa ee Soomaaliya lagu amaanay.
Tartankan ayaa soo bilwoday sanadkii 2004, waxayna soomaaliya marki ugu horeysay ka qeyb gashay 2009, waana sanadki lixaad oo ay ka qeybgasho.