Rio de Janeiro, Brazil ( AFRICASPORTS.NET) – Mohamed Farah oo loo yaqaan Mo Farah oo ah orodyahan asalkiisu yahay Soomaali islamarkaana u orda dalka Britain ayaa mar kale waxa uu kaalinta koowaad ka galay orodka 10,000 mitir ee billada dahabka ah (Men’s 10,000m, Final, Gold 1st place), waxaana kula loolamayay rag kala jinsiyado duwan.
Orodyahanka ayaa ka xawaaro dheereeyay orodyahannada kale ee tartanka Olympic-ada kula jirtay kadib markii isaga oo kufay, hadane meel gadaale orodka kasoo qaatay kana wada horumaray dhammaan orodadii kale.
Mo Farah
Mo Farah ayaa ku dhameystay orodka 27 daqiiqo iyo Shan il biriqsi, waxaana kaalinta Labaad soo galay Paul Tanui oo u dhashay dalka Kenya.
Sanadkii 2012-ka, Mo Farah waxa uu ku guuleystay billadaha dahabka ah ee 5-ta Kun iyo 10-ka Kun ee Olympic-ada adduunka.