Latest update September 21st, 2016 10:12 AM
Jul 27, 2016 WARARKA 0 2465 Views By Tajuddin
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Muqdisho, Soomaaliya ( AFRICASPORTS.NET) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tartankii cayaaraha dowlad goboleedyada ka dhisan dalka oo magaalada Muqdisho ka socday.
Waxaa uu Madaxweynaha koobkii horyaalnimada ee kubadda cagta ee tartankaasi uu guddoonsiiyey xulka dowlad goboleedka Puntland oo cayaartii kama dambeysta ahayd ee galabta ka dhacdey Garoonka Banaadir uga badisey xulka Jubaland.
Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.
Xulalka maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ee Soomaaliya
Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah danjireyaasha wadamada shisheeye iyo ururrada caalamiga ee Muqdisho ku sugan.
Comment
Name
EmailNot published
Website
Aug 29, 2016 0
Aug 14, 2016 0
Jul 28, 2016 0
Jul 27, 2016 0
Jul 20, 2016 0
Apr 03, 2016 0
Mar 09, 2016 0
SomaliaOne News Network
Norwich, United Kingdom ( Agencies + AFRICASPORTS.NET) - Norwich City boss Alex Neil has insisted that Robbie Brady will not...