Muqdisho, Soomaaliya ( AFRICASPORTS.NET) – Xulalka Maamul goboleedyada Puntland iyo Banaadir oo maanta ku kulmay mid ka mid ah ciyaaraha tartanka Kubadda cagta ee maamul goboleedyada dalka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhammaaday barbar dhac 2-2 ah iyadoo ciyaartana ay ahayd tii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ee mudadii uu socday tartankan.
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya
Kulanka oo ahaa mid dhan walba ka dhameystiran, waxaa goolka ku hormartay Puntland, iyadoo qeybtii hore ciyaarta uu gool kaga naxsaday daafaca Puntland Cabdulahi Cabduqaadir Gacma,hase yeeshee kooxda Banaadir oo rajaynaysay inay si dhib yar ugaga gudubto Puntland ayaan qeybtii hore waxba dhalin.
Markii la isku soo laabtay qeybta dambe ee cayaarta, Banaadir ayaa heshay gool barbardhac ah, waxaana u dhaliyay goolka ciyaaryahankooda Axmed Cabduqaadir Shariif Buush, waxaana uu goolkaas soo celiyay rajadii ay ka lahaayeen ciyaarta, mar kale ayeyse wiilasha Puntland oo kulanka aad u xamaasadeeyay ay heleen goolkii labaad ee ciyaarta, waxana goolka labaad u dhaliyay Faarax Daahir Faarax, hase yeeshee ciyaaryahanka Buush ayaa markale goolka barbaraha u keenay kooxda xulka Banaadir.
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya
Natiijada ciyaarta waxey kusoo dhamaatay 2-2, taasoo ka dhigan in labada kooxood ay groupka A kaga soo baxeen min 4-dhibcood, balse waxaa kaalinta 1-aad ku soo baxay Banaadir, maadaama farqiga goolasha ay ku sareyso, halka Puntland ay kusoo baxday kaalinta 2-aad.
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa inay cayaar wada yeeshaan Galmudug iyo Hiiraan/Shabeellaha Dhexe, waxaana la ogaan doonaa labada xul ee kasoo bixi doona Groupka B, iyadoo Jubaland ay leedahay rajo aad u fiican.