Madrid, Spain ( AFRICASPORTS.NET) – Cayaartii maanta waxa ay siisay Real Madrid guul uu xaqiijiyay xidigeeda Cristiano Ronaldo oo gooshii labaad laaday .
Cayaartii maanta , waxa ay huwaneyd macna gaar ah oo la mid ah guulahan :
1- Markii ugu horeysay , November 28,1965 , Rial Madrid waxa ay guul darooyinkeedii is xigxigay ee ay kala kulmi jirtay mar qura u badashay guul , cayaar ka dhacday garoonka Camp Nou oo ka qeyb aheyd horyaalka Spain ee La Liga, cayaartaasi waxa ay ku idlaatay 2-1 .
2- Waxa ay soo afjartay 39 cayaar oo Barcelona ay guulo ka gaartay, waa tii ugu dheereyd taariikhda horyaalka Spain.
3- Goolasha El Clasico ee ka baxsan garoomada kooxahan, Lionel Messi (12) gool, Francisco Gento (11) gool iyo Cristiano Ronaldo (10) gool .
4- Cristiano Ronaldo , 10-kii cayaarood ee ugu dambeeyay horyaalka Spain , waxa uu dhaliyay 13 gool , 2 gool fursado uu keenay ayaa lagu dhaliyay.
5- Taariikhda Goolaha El Clasico , Lionel Messi (21) gool , Alfredo Di Stéfano ( 18 ) gool iyo Cristiano Ronaldo ( 16) gool .
6- El Clasico, Barcelona weligeeda kama guuleysan Real Madrid , iyadoo ka horeysa 10 dhibcood ( barbardhac cayaaro iyo seddex khasaaro) .
7 – Sergio Ramos , cayaaro dhexmaray kooxaha Real Madrid iyo Barcelana , wuxuu ku helay (4) mar oo kaarka casaanka ah oo cayaarta banaanka looga saaray kadib khaladaad kala duwan oo uu sameeyay.
9 – Karim Benzema, waxa uu u muuqdaa nin ku takhasusay sida gool looga dhaliyo Barcelona, waxa uu ka dhaliyay 8 gool, halka kooxda Granada Club de Fútbol uu ka dhaliyay 9 gool .
10 – Real Madrid , goosheeda waxa ay nadiif noqotay oo aan wax gool ah laga dhalin waa hal mar marka loo eego 9-kii cayaarood ee ugu dambeeyay ee horyaalka Spain .
11 – 9-kii Tababare ee ugu dambeeyay kooxda Real Madrid waxaa ku jira seddex tababare oo qura oo cayaartii ugu horeysay ee El Clasico guulo ka gaara , waxa ayna kala yihiin Fabio Capello,Bernd Schuster iyo Zinedine Zidane.