Cristiano Ronaldo strikes to earn ten-man Real Madrid victory at Camp Nou. Photograph: Juan Medina/Reuters
Barcelona , Spain ( AFRICASPORTS.NET) – Daafaca Real Madrid Sergio Ramos wuxuu aad u bogaadiyay goolhayaha cusub ee kooxda Keylor Navas oo dhowaantan badalay boortayeerigii hore Iker Casillas, isagoo ku tilmaamay inuu fure u noqon doona cayaaraha El Clasico ee had iyo jeer ay foodda isku daraan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ka wada dhisan dalka Spain .
Sergio Ramos wuxuu ku adkeystay in Real Madrid ay weli tahay kooxda ugu wanaagsan dunida .
Sergio Ramos is shown a red card
Real Madrid ayaa caawa 2-1 ugu awood sheegatay Barcelona cayaar ka dhacday garoonka Camp Nou , halka Ramos uu qaatay kaarka casaanka markii khaladaad isdaba joog ah uu sameeyay .
Real Madrid ayaa ku sheegtay in guushan ay aargoosi u tahay cayaar hore oo garoonka Santiago Bernabio ka dhacay oo Barcelona ay 4-0 ugu awood sheegatay.
Dhankiisa , Daafaca dhanka bidix ee Real Madrid Marcelo Vieira ayaa ku faanay guusha ay gaareen , isagoo sheegay in cayaaryahannada kooxda ay muujiyeen dadaal aad u baalaran si afka ay ciida ugu daraan Barcelona.
Labada gool ee Real Madrid ay ku guuleysatay ayaa waxaa u kala dhaliyay Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo, halka Barcelona goosha hore ee ay ku hormartay uu u dhaliyay daafaca kooxdaasi Gerard Pique .