Latest update September 21st, 2016 10:12 AM
Mar 09, 2016 FAAQIDAADA CAYAARAHA 0 2537 Views By Tajuddin
Kooxda LLPP Jeenyo
Muqdisho,Soomaaliya ( AFRICASPORTS.NET) – Xidigtii Kubada Koleyga Soomaaliya ee Barisamaadkii Astur Jeenyo Magaceeda oo seddexan waa Astur Jaamac Cilmi,waxa ay ku dhalatay Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug 1962,waxaana ay ku soo barbaartay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir oo ka mida ah degmooyinka Caanka ah ee Caasimada Muqdisho
Marka aan Astur ka hadalno nolosheeda iyo sidii ay ku bilowday Ciyaaraha,runtii waxa ay aheyd gabar aad u jecleyd Ciyaaraha,waxaana ay waxbarshada ku dhameysatay Dugsigii sare ee 15-ka mey ee Degmada Warta Nabada’ ex Wardhiigleey’
AUN Macalin Ajaako iyo Cali Amiin ayaa ku dhiiri-geliyay Xaga Ciyaaraha si ay mustaqbal buuxa ugu yeelato,waxaana ay sheegtay Astur Jaamac in labadaasi Macalin ay u heyso abaal gaara, runtii door weyna ku lahaayeen soo shaac bixideedii.
Astur Jeenyo , waa gabadha dhexe ee labada hablood u dhaxeysa
Astur oo Dareenkeedu ku weynaa isboortiga, waxa ay nasiib u yeelatay inay magac weyn ugu soo hoyso Dalkeeda Soomaaliya, iyadoo huwan magaca Ciyaaraha Fudud oo ay Soomaaliya u mataleysay Tartankii Ciyaaraha fudud ee Adduunka ee lagu qabtay Dalalkii horey la isku oran jiray Midowgii Soofiyeeti,guushaasoo Qaranka Soomaaliyeed aad ugu Faanaan runtii,waxaana ku wehlinayay Ciyaarahaasi oo qabsoomay 1977 Ciyaartoydii kala ahaa Nadiifo,Cali Baashi iyo Cali Dheere.
Ciyaaryahanada heerka Qaran ee Soomaaliyeed Astur Jaamac Cilmi markii ay 1977 u safatay heerka 2-aad ee Kooxda Dekadaha, lana arkay farsamadeedii kubadeed ayaa waxa ay ka mid noqotay Heerka 1-aad ee isla naadigaasi Sanadkii 1978 xiligaasi oo ciyaaraha kubadda Koleyga ay aad u shidnaayeen.
Muddo 5 sano kadib Sanadkii 1983 Astur jaamac Cilmi waxaa looga gacan Haatiyay Gabdhaha Somalita ee Wakaaladii Muuska Ummada oo ka mid ahaa Gabdhaha ugu adkaa xaga Kubada Koleyga,waxaana y u safatay Sanadihii 1983-1984 kumana Raagin iyadoo la qaaday 1 janaaraal daauud oo kaliya.
Ciyaaryahan Astur Jaamac Cilmi ka sakow Ororada iyo kubada Koleyga hadana waxa ay hiwaayad u laheyd xaga Isboortiga,waxaana labadaasi Ciyaarood u wehiyay Ciyaarta Kubada Laliska iyo handball,iyadoo Sanadkii 1979 u matashay gabdhaha Soomaaliya Xidigihii uga qeybgalay Sanadkaasi Tartankii Jaamacada Carabta.
Xidigada ku Gaamurtay Kubada Koleyga Soomaaliya Astur Jaamac Cilmi oo oo aheyd Laacibad aad ugu wanaagsan Ciyaarta kubada Koleyga aadna u kasban jirtay Maamulka ,Macalimiinta,Ciyaartoyada iyo Taageerayaasha ayaa bartamihii 80 meeyadii waa Sanadkii 1985 waxa ay ku biirtay Gabdhaha Naadiga Howlaha Guud iyo Guryeynta oo loo Yaqaan LLPP ama Jeenyo,waxaana Markii ay Astur Timid Kooxda jeenyo ay ka baxday haraadkii ka heystay Koob la,aanta waxaaana Laacibada loo xiray Lambarka 9 iyadoo Kooxda Gabdhaha jeenya Gacanta ka Saartay koobkii ugu horeeyay ee ay hantaan Taasoo ka yaabisay Taageerayaasha Jeenyo naadiguna waxa uu noqday mid waa cusub u baryay imaatinkii Astur Jaamac Cilmi,iyadoo kula guuleysatay 3 Horyaal iyo 2 koob Jenaraal Daauud.
Gabdhaha Naadiga Howlaha Guud iyo Guryeynta oo loo Yaqaan LLPP ama Jeenyo
lambarkii 9 ee Gabdhaha jeenya Astur Jeenyo waxa ay ka mid noqotay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya Sanadkii 1986 iyadoo loo xiray Lambarka Buuxa ee 10,waxa ayna xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya kala qeyb gashay Tartankii Isreebreebka Zone-ka 5aad e Qaarada Afrika oo labadiisa qeybood ee hore iyo tan danbe ay ka kala dhaceen Magaaloyinka Muqdisho iyo Nayroobi ee Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.waxa ayna tartankaasi ka muujisay Ciyaar wanaag iyo asluub.
Xidigadii Caanka aheyd ee Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya horana u soo martay Kooxaha Badda,Somalita iyo LLPP Marka ay garoonka ku jirto Runtii Kubada aad bay ula qeybsan jirtay Saaxiibadeeda waxaana ay aheyd Laacibad aad loogu tashan jiray.
Sanadkii 1988 ayey si rasmi ah uga fadhiisatay Ciyaaraha,wixii xiligaasi ka dambeeyay ilaa waqtigaana oo ay ku nooshahay Dalka dibaddiisa, kamana caajisin Dhiirigelinta Sport-ga.
Astur jaamac Cilmi ayaa lagu tiriyaa mid ka mida hablihii ugu Caansanaa Kubadda Koleyga Soomaaliya oo baal dahab ah kaga jira isboortiga Soomaaliyeed.
Waxaa Diyaariyay: Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Email : uurdoox2013@gmail.com
Muqdisho,Soomaaliya ( AFRICASPORTS.NET) - Sida la ogsoon yahay da' kasta oo ay bulshada caalamka leedahay haddey ahaan lahaayeen caruur ama...