Latest update September 21st, 2016 10:12 AM
Mar 08, 2016 FAAQIDAADA CAYAARAHA 0 2447 Views By Tajuddin
Cabdi Bile Cabdi – Orodyahan guullo u soo hoyay Soomaaliya
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu dhashay 28-kii December 1962-kii, waxa uu ku dhashay magaalada Laas-caanood oo ka tirsan gobalka sool.
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku guuleestay tartanka Oradka caalamiga ah 1500 meter, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga sanadkii 1987-dii.
Cabdi Bile Cabdi guushaasaas uu kasoo hoyay magaalada Rome, waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd mid geed dheer iyo geed gaaban uu u koray sidii uu gaari lahaa, oo malaha Cabdi Bile Cabdi ka hor 1987-dii uu ku jiray waqti uu ku tilmaamay kacaa kuf ilaa 1985-kii,waxaana uu leeyahay ma ahayn mid sifudud ku timid guushaas, laakin dareen gooni ah isaga ay ku laheyd.
Cabdi Bile Cabdi ka sokow ciyaaraha Oradada, waxaa uu ahaa ciyaaryahan ciyaara kubadda, intiisa badan hiwaayad ama wax uu jeclaa ay u ahayd, laakin marnaba uusan ku taamin in heer wanaagsan uu kagaarayo,waxaana dhacday isagoo jooga magaalada Muqdishu in uu ka qeyb qaatay Orad ka dhacay gobalka Banaadir, kaas oo lagu xulaayay ciyaayahano Oradka ku fiican.
Cabdi Bile Cabdi,oradkaas ayaa ugu horeeyay, waa uu ka qayb galay, markii uu ka soo laabtay, ayuu guriga ugu yimid Nin ay ilma adeer ahaayeen oo markaa Sucuudiga ka yimid,waxaana uu uga waramay halka uu ku soo haftay, intaa kadibna waxaa uu ka warestay nin ilama adeerka ahaayeen bal waxa la yiraahdo Olompic-ada adduunka.
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu maalintaas dhageystay barnaamijkii ciyaaraha ee Radio Muqdiso 1982-kii,waxaana dhacday maalintaasi in Barnaamijkii ciyaaraha lagu soo qaaday Oradyahankii caanka ahaa ee jaamac karaaciin oo markaas ahaa ciyaaryahan Soomaaliya mug ku lahaa,Cabdi bile waxa uu ka filaayay barnaamijkii ciyaaraha in lagu soo qoodan doono kubadda cagta .
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu wax barashadiishisii uu shahaada BS marketing ka qaatay jaamacada George Mason ee dalka Mareykanka.
Cabdi Bile Cabdi guulaha hadda u diiwan gashan waxaa kamid ah Seddex guul oo ka sokow isaga la lagu sifeynkaro in sharaf iyo yididiilo ay u ahayd dadka iyo dalka Soomaaliya, waxaana guullahaas ka mid ah :
Year Tournament Venue Result
1987 World Championships Rome, Italy 1st 1,500 metres
1993 World Championships Stuttgart,Germany 3rd 1,500 metres
1996 Olympic Games Atlanta, Georgia,U.S.A. 6th 1,500 metres
Waxaa kaloo jira guulLO kale oo uu gaaray oradyahanka soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi, waxaana kamid ahaa :
800 metres – 1:43.60 (1989)
1000 metres – 2:14.50 (1989)
1500 metres – 3:30.55 (1989)
One mile – 3:49.40 (1988)
3000 metres – 7:42.18 (1994)
Waxaa xusid mudan in uu Koobka Horyaalka Soomaaliya uu hadda si darandoori ah uga socdo caasimadda Muqdisho. Bahda Africa Sports...