Latest update September 21st, 2016 10:12 AM
Mar 08, 2016 FAAQIDAADA CAYAARAHA 0 1019 Views By Tajuddin
Lugino Stadium in Mogadishu
Muqdisho,Soomaaliya ( AFRICASPORTS.NET) – Sida la ogsoon yahay da’ kasta oo ay bulshada caalamka leedahay haddey ahaan lahaayeen caruur ama ciroole, dhallinyaro ama duqoow (waayeel), waxey isugu jiraan mid cayaara, mid maamula, mid maal-geliya iyo mid daawada oo taageera u ah qeybaha kala duwan ee isportigu ka kooban yahay.
Sida laga dharegsan yahay xiriirada kala duwan ee isportigu leeyahay, waxey abuuraan isbarasho, wallaaltinimo, farxad, isdhaxgal, iskaashi iyo sida inta ku mataaneysan hiwaayadaasi ay mar walba u ahaan laahaayeen saaxiibo isku xeran oo hawshoodu tahay horumarinta cayaaraha ay daawadaan, caadooyinka xun-xun ee ummaddaha dunida dib u dhiga sida qabiilka, eexda, laaluushka, nin jeclaysiga, meel xun fadhiga iwm, waxaa lagula dagaalamaa qabashada tartamada cayaaraha isportiga.
Soomaaliya waxey ka mid tahay wadamada sida gaarka ah looga xiiseeyo daawashada isportiga, cayaaraha sida weyn looga jecel yahay gudaha dalkeena, isla markaana ugu daawashada badan waxaa ka mid ah cayaarta loo yaqaano Kubadda Koleygaa ama (Basket Bal) oo iyadu ah mid xidido dhaa-dheer ku dhex leh socodka waayaha taariikheed ee isportiga Soomaaliyeed, xilli aad u fog ayaa cayaartani laga soo dheeli jiray gayigeena, runtiina cayaartani waa mida qura oo ay ku faanaann bahweynta isportiga marka loo eego Koobabka, Biladaha, Shahaadooyinka, abaalmarinada iyo guulaha kale oo cayaartoyda K/kolayga ka soo hooyeen tartamada kala duwan ee caalamka lagu qabto.
24—sano kadib K/kolayga waxaa u baryay waacusub, waxeyna sameysay isbadal aad u cajiib badan oo soo jiitay indhaha shacbiga Soomaaliyeed, sanadkii hore 2015, bishii January 25-keedii ayaa markii ugu horeysay lagu dhiiraday isku day kii ugu wanaagsanaa oo ahaa in la bilaabo sidii cayaaraha K/kolayga ee Koobka General Daud habeen loo daawan lahaa, talaabadaan oo ahayd guul cusub, waxaa si diiran oo kal iyo laab leh u soo wada dhaweeyay tageeerayaasha dalkeena oo idil.
Muwaadinkii ay u suura gasho inuu u daawasho tago cayaaraha ka socda garoonka Wiish Stadium (ex- Lugino), waxaa si aad ah u soo jiidanaya Dhal-dhalaalka ay leedahay gegida, Iftiinka ka soo burqanaya leyrarka lagu xeray garoonka, Sawaxanka iyo xifaaltanka taageerayaasha, niyadda iyo nuurka ka muuqda cayaartoyda loolamaysa, Jeestooyinka (goolasha)quruxda badan ee la dhex qotomiyay garoonka, Qalabka casriga ah ee ay ku hawl-galayaan garsoorayaasha, Xamaasadda cayaartoyda dheelaysa iyo Bandhiga goolasha faraha badan ee la iska dhalinayo, fadhiyada kala duwan ee garoonka waxaa cisho walba oo cayaar ay ka jirto soo camira oo soo buux dhaafiya masuuliyiin isugu jirta Wasiiro, Xildhibaano, Safiiro, Agaasimayaal, Saraakiil, Cayaartoy hore iyo kumanaan taageerayaal ah oo dhiiggoodu uu ku shaqeeyo daawashada cayaarta K/kolayga, kuwaasi oo in dhawaalaba ku seexanayay isla markaana ku soo toosaayay farxad aan la qiyaasi Karin, kadib kolkii ay si aad ah raali uga noqdeen guusha laga gaaray hanaankii bariisamaadkii oo kale in habeen madow cayaaro loo daawasho tago.
Hadal-haynta xilligaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda looga sheekeysto waa daaawashada cayaaraha K/kolayga ee habeenkii loo fiidsiga tago, isweydiinta ugu faraha badan ee Caasimadda taalana waa xallay ma u daawasho tagtay K/kolayga iyo haa waan joogay, habeen ay cayaaro iga fakanayaana ma jirto iyo ereyo kale oo kuwaasi la mid ah, xaqiiqdii isbadalkaan ay horseeday K/kolayga waa guul iyo horumar lagu naaloon karo, wax badana ka badali karta sawirkii xumaa ee Muqdisho laga bixin jiray.
Tallaabadan lagu najaxay cirka kama aysan soo dhicin, sida dhibcaha roobka oo kalena looma helin, deeq iyo i siina kuma imaanin, ee rag iyo gabdho naftood hurayaal ah ayaa horumarkaan dhaliyay, sidaasi daraadeed ilbaxnimadu waxey na tusaeysaa in saaxiibadeena halgamay lagu amaano wax qabadkooda, sidoo kalana loogu hambalyeeyo dadaalkooda, iyagoo aan ugu dambayntii leenahay geesiyaal K/kolayga waad kiciseen ee halkeeda ka sii wada kobcinta iyo kor u sii qaadida cayaartaasi.
Allah u naxariisto Faarax Weheliye Cadow ( Sendiko) , waxa uu leeyahay taariikh dheer oo sport oo ah midda Soomaaliya....